XOG: Beesha caalamka oo aarin aan la fileyn ku kacday markii Kay uu XASAN SHEEKH siiyey…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xogagaal katirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo u xog waramaayay shabakada ayaa xaqiijiyay in Xubno wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia u matalaayay ay Madaxweyne Xassan Sheekh ku wareejiyeen dhaqaale farabaddan.

Xogtu waxa ay farmuuqeysaa in dhaqaalahaasi uu wareejiyay Danjiraha QM u fadhiya dalka Somalia Kay oo ay wehlinayeen Xubno heer diblumaasiyiin ah oo ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in loogu talla galay in Madaxweyne Xassan uu u adeegsado Xildhibaanada ka geeyay Mooshinka kalsoonida lagala laabanaayo.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Xubnahaasi ay howlgaliyeen guddi isku dhaf ah oo iyagu ka howlgala sida lagu kala furfuri lahaa Xildhibaanada bahoobay ee Mooshinka ku sharfay Madaxweyne Xassan Sheekh, kuwaasi oo Madaxweyne Xassan Sheekh u cuskaday inuu ku kacay Musuq hanti qaran iyo Siyaasad ay ku maldahantaha nin jecleysi.

Lama sheegin cadadka ay gaarsiisan tahay dhaqaalahaasi inkastoo wararku ay sheegayaan in lacagtaasi lagu siday Boorso Xassan Sheekhna lagu wareejiyay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa dhankooda kawada Siyaasado cusub oo ay ku tiro badsanayaan codadkooda si loo meel mariyo Mooshinka ku raagay Gudoonka sare ee Baarlamaanka oo iyagu la rumeysan yahay inay caqabad ku yihiin dhaqan galinta Mooshinka.

Beesha Caalamka ayaa kalsooni miisaan leh u muujineyso Madaxweyne Xassan, iyadoona ay jiraan warar hoose oo sheegaya in taageerida Xassan Sheekh ay ka danbeysay kadib markii ay la galeen Heshiis hoosaad dhigaaya inuu u hogaansamo awaamirtooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com