“Heshiiskii Cadaado wuxuu murjinayaa gobolada dhexe laakiin ma dhaceyso” Waxaa sidaas yiri…

Cadaado (Caasimada Online)-Sheikh Maxamed Shaakir oo isku sheegay inuu yahay madaxweynaha Ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa si adag kaga horyimid hishiiskii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Shaakir, ayaa sheegay in hishiiska ka dhacay magaalada Cadaado inuu ahaa mid ay isla ogaayeen xubno ka mid ahaa Ahlu sunna oo la shaqeeya maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay kaasina uusan saameyn doonin maamulkooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marnaba aysan ka dhigneyn in Ahlu sunna ay hishiis la gashay maamulka Galmudug, isagoo ku tilmaamay hishiiska Cadaado inuu yahay mid Beesha Caalamka lagu maja Xaabinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Hishiis ku sheega Cadaado,  ma ahan inaan annaga kamid nahay waxaa saxiixday waa dad wada shaqeynayay oo Cadaado wada joogay oo Ahlu sunna iska dhigayay”ayuu dhahay madaxweynaha Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Ugu dambeyn Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolada dhexe ay noqdeen kuwo ka tashaday aayaha gobolkooda, lana sameeyay maamul ay ku mideysan yihiin looguna doortay madaxweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com