Xildhibaanno iyo siyaasiyiin gaaray CADAADO.!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku qulqulayaan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan DF Somalia.

Xildhibaanadaani iyo Siyaasiyiinta ayaa ka qeybgaleysay Heshiiska iyo Munaasabada la doonaayo in lagu magacaabo Xukuumada cusub ee Maamulka Galmudug.

Socdaalka ayaa isugu jira in marka hore ay goobjoog ka ahaadan Heshiiska Maamulka iyo Ahlusunna ay wada gaaren iyo inay kor joogayaal ka ahaan doonaan Magacaabida Wasiirada, waxa ayna yihiin kuwo ka socda Xarunta Villa Somalia oo iyadu u wakiilatay.

Madaxweyne Xassan ayaa isagu dhan waliba ka taageeraya dhismaha Maamulka Galmudug oo lala tartansiinayo Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyagu iminka kaalimaha hore kaga jira Maamulada dalka ka dhisan.

Xubnaha ugu badnaan doono Wasiirada Maamulka ayaa noqon doono kuwo ay soo xushay Madaxtooyada iyo kuwa Ahlusunna wal-jameeca oo iyaguna awood ku imaanayo.

Darafka kale, waxaa lagu wadaa in goor dhow lagu dhawaaqo xukuumada Cusub oo iyadu kasoo dhamaatay dhanka Madaxweynaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com