Cabd Kariim Guuleed oo u hanjabay Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, oo ka hadlayay hishiiskii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ayaa si dadban hanjabaad ugu jeediyay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Guuleed, ayaa sheegay in maamulkooda uusan marnaba aqbaleynin in awood iyo qori caaradiisa lagu raadiyo maamulka dadweynaha, laakiin loo baahan yahay in wax walbaa lagu dhameeyo wadahadal, sida uu sheegay Mr Guuleed.

“Hadda iyo waxii ka dambeeya looma baahno in qori caaradiisa maamul lagu raadiyo, mana aqbaleyno waxaa loo baahan yahay in mar walbaa sidan oo kale hishiis la gaaraa, ma aqbaleyno cid qori caaradiisa wax ku raadineysa”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa waxa uu ahaa fariin si dad badan loogu dirayay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo kasoo horjeestay hishiiskii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Garab kamid ah Ahlu sunna ayaa hishiis la galay madaxweynaha Galmudug, waxaana lagu hishiis awood qeybsi, waxaana sida muuqata la wadaagay wasiira, baarlamaanka, Ciidamada iyo maamulka cusub ee lasoo dhisayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com