Guddoonka BF oo war kasoo saaray mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, oo ka hadlay raadiyaha dowlada Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin cusub oo ku wajahan habka loo mari doono mooshinka baarlamaanka Soomaaliya horyaal ee ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Mahad Cawad, ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya uusan lamid aheyn mooshinkii laga keeni jiray ra’iisul wasaarayaashii hore ee weyn jiray kalsoonadii ay ka rabeen baarlamaanka Soomaaliya.

Mahad Cabdalle Cawad, ayaa sidoo kale sheegay in xiligan aan baarlamaanka Soomaaliya aysan dood ka yeelan karin mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha, maadaama uu yahay mooshin culus.

“Su’aasha hadda taala waxay tahay mooshinka madaxweynaha ee laga gudbiyay, arintaasi ajandaha baarlamaanka wali kama mid ahan oo wali wuxuu yaalaa xafiiska gudoonka, mooshinka wuu ka weyn yahay tii caadiga aheyd ee xukuumad lagu ridi jiray, waa in maxkamadaha ay soo cadeeyaan”ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka mooshinkooda uu wali gacanta gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ku jira, islamarkaana aan lagu soo dareynin ajandayaasha baarlamaanka ilaa maxkamadaha dalka ay cadeeyaan mooshinkaasi sax ahaanshihiisa.

“maanta mooshin caadi ah ma aysan keenin xildhibaanada baarlamaanka, oo waxay keeneen mooshin madaxweynaha ka dhan ah wayna adag tahay in adandaha baarlamaanka lagu soo daraa”ayuu yiri Cawad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com