Axmed MADOOBE oo qafaashay odayaal diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ay jeelka dhigeen inkabadan Sideed Odayaal dhaqmeed.

Odayaasha la xiray ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga soo kala qabtay Aqaladooda iyo gudaha Magaalada kadib markii ay ka hor imaaden Siyaasada Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Maxa’ed Yuusuf Geelle, oo kamid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Ciidanka Axmed Madoobe ay xireen Odayaal badan 48-Saac ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Shalay, Xalay iyo Saakay Guryahooda kala baxeen 9 Oday dhaqmeed, oo uu sheegay in si weyn looga yaqaano Gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo.

”Waxaan ka warhelnay Odayaasha oo la xirxiray ma garaneyno ujeedka laga lahaa balse waxaa igu maqaal ah inay ka hor imaaden Siyaasada Axmed Madoobe sidaana ay xabsi ku muteysteen”

Maxa’ed Yuusuf Geelle waxa uu carab dhaway in Odayaasha la xiray kaliya ay dhaliilsanaayeen Maamulka Axmed Madoobe, balse aysan jirin denbi kale oo ay galeen, waxaana uu codsaday in si dhaqso ah lagu soo daayo iyagoo bad-qabo.

Geesta kale, xarigaani ayaa imaanaya xili dhawaan Hogaamiyaha Maamulka uu isku doortay Magaalada Kismaayo, islamarkaana xarig ceynkaasi ah uu kula kacay Odayaal iyo Siyaasiyiin farabadan oo lidi ku ahaa Siyaasadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com