Kaliil oo xilal cusub magacaabay iyo xiisad jirta!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil oo dib ugu laabtay Gobolka Gedo uu iminka Maamul Cusub u magacaabay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa sheegay in weli uu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo uuna mudan yahay in arrimaha Gobolka isaga lagala xaajoodo sidaa awgeedna uu ku magacaabay Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Kaliil ayaa Degmada Baardheere u magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax, waxa uuna sidoo kale magacaabay ku-xigeeno iyo Taliyayaal ciidan oo iyaguna ka howlgali doono Degmada Baardheere iyo Degmooyin kale.

Sidoo kale, Kaliil oo weli ku sugan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa cadeeyay in gudaha asbuucaani uu soo magacaabi doono Mas’uuliyiin kale oo iyaguna ka arimin doona Degmooyinka kale ee Gobolka.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee uu magacaabay Kaliil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay islamarkaana uu si hufan xilkiisa u gudan doono, sida uu hadalka u dhigay.

Magacaabida Gudoomiyaha Degmada Baardheere, ku-xigeenada iyo Taliyayaasha Ciidan ayaa imaaneysa xili dhawaan Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu awood xilka uga qaaday Maxamed Cabdi Kaliil.

Xiisad ayaa ka taagan Gobolka Gedo taasi oo u dhexeysa Ciidamo farabadan oo uu wato Maxamed Cabdi Kaliil iyo Ciidamada Ethiopia, kuwa Axmed Madoobe oo dhinac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com