Tarsan: DF waxay dooneysaa inay wax isku dhex qasto haddana ay wax u hagaagan (WARBIXIN).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mohamud Ahmed Nur Tarsan, ayaa si kulul uga hadlay qaabka ay DF Somalia ku dooneyso inay Somalia uga hirgaliso Hanaan Siyaasadeedka ka duwan kuwii hore.

Waxa uu sheegay in qaabka ay ku shaqeynayaan Madaxda dalka ay tahay qaabka ugu liita, marka loo eego Siyaasada dalalka kale.

Tarsan waxa uu tilmaamay in DF Somalia xili waliba ay isku dhex yaaciso barnaamijyada muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka aheyn.

”Wadankeena waxaa heysta dhibaatooyin xoogan, waxaana loo baahanyahay wax ka qabadkooda in Dowladu ay u kala hormariso sida ay u kala muhiimsanyihiin, hadii mar waliba ay hor mariso waxyaabaha aan muhiimka aheyn yaa qabanaayo kuwo muhiimka ah”.

”Anigu waxaan qabaa in arimaha hortaagan dowlada oo la rabo in ay wax ka qabato waxaa kamid ah Amniga iyo Cadaalada hadii la waayo labadaasi qodob ma filaayo in DF Somalia ay ka mirro dhalin doonto hanaanka lagu fidinaayo Siyaasada Dowlada”

”Waxaa looga baahan yahay inay wax ka bedesho Musuq maasuqa oo aad ugu baahay halbowlayaasha dowlada dhanka dhaqaalaha”

”Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ka gaabisay waxaa kamid ah caafimaadka, tacliinta, arimaha la xiriira horumarka iyo wax soo saarka dalka sida Tamarta, Biyo nadiif ah oo la cabo, Jidadka, wax soo saarka beeraha iyo xoolaha.

Baahida intaas laguma soo koobikaro laakiin waxaa loo bahnaa in dowladu wax ka qabadka arimahaas oo dhan in ay u kala hormariso sida ay u kala mudanyihiin”.

Tarsan ayaa dhaliilahaani kusoo bandhigay Boggiisa aallada Fecbook waxa uuna DF Somalia ku dhaliilay tallo xumi iyo Maamul u baahan in dhan waliba laga hagaajiyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay inuu wax muuqda ka bedelo qaabka ay Dowladiisu ku shaqeyneyso doorashada ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com