Cawad “Xukuumadu iyadaa soo qaaday duulanka danta ay ka leedahayna iyadaa la weydiinayaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad, ayaa si kulul uga hadlay awoodaha ay adeegsanayaan shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Mahad Cabdala Cawad, waxa uu sheegay inay jiraan Xildhibaano dhowr ah oo qaabab awoodeed Mooshinka uga dhaadhicinaaya Xildhibaanada kale ee aan qeybta ka aheyn Mooshinka.

Mahad Cabdala Cawad, waxa uu sheegay inay jiraan Xildhibaano qeyb ka ah garabka Mooshinka oo ku dhex jira baarlamaanka kuwaa oo dadka ku khasbaaya inay ku biiraan Mooshinka.

Waxa uu cod dheer ku sheegay in aasaaska Mooshinka ay leedahay Xukuumada Somalia oo uu sheegay in goob waliba ay taagan yihiin Wasiiradeeda kuwaa oo ku goodinaaya inay ridayaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

‘’Adeer Mooshinka waxaa aasaasay Xukuumada iyadaana la weydiinayaa danta ay ka leedahay Mooshinka’’

‘’Waxaan cadeyneynaa in Xukuumada aysan u kala harin Mooshinka, waxaase iga su’aal ah danta ay Xukuumadu ku leedahay Mooshinka socda ee khilaafka dhaliyay’’ ayuu yiri wallow su’aashaasi ay ku haboontahay in wax laga weydiiyo Xukuumada.

Mahad Cabdala Cawad, waxa uu soo jeediyay in wixii arrintaan khuseeya looga danbeeyo gudiyada ku shaqada leh, waxa uuna cadeeyay inay qaadan doonto muddo yar, waa haddii qaabka sharciga wax loo dhigo.

Sidoo kale, Mahad Cabdala Cawad, waxa uu sheegay in Xildhibaanada Mooshinka wada ay ku doodayaan inay heystaan codad ku filan, waxa uuna su’aal ka keenay baahida ku khasbeysa inay qasaan howlaha baarlamaanka.

Mahad Cabdala Cawad, waxa uu ka deyriyay qaabka ay Xukuumada Somalia u jaanrogeyso dhammaan nidaamka baarlamaanka, waxa uuse sheegay in lagu kala bixi doono sharciga.

Geesta kale, Mahad Cabdala Cawad, ayaa ku baaqay in lagu wada shaqeeyo hanaan sharci ah, waa haddii la doonaayo inay wax hagaagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com