“Kenya sun ayey ku noqon doontaa haddii aysan faraha kala bixin Balad Xaawo” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa talaabo xaaran ah ku sheegay in baarlamaanka Somalia uu ka aamuso boobka lagu hayo dhulka Somalia ee kuyaala xadka Kenya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji, ayaa sheegay inaanu suuragal noqon doonin in Kenya ay uga aamusaan boobka dhulka Somalia, waxa uuna cadeeyay inay badbaadin doonaan dhulkaas.

Waxa uu Zakariye Maxamuud Xaaji, tilmaamay in dowlada Somalia ay mas’uuliyad ka saran tahay sida ay ku badbaadin laheyd magaalada Balad Xaawo, isla markaana ku hor istaagi laheyd xadgudubka ay dowladda Kenya ku sameysay shacabka Gedo.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji sheegay in dowlada Kenya uu uga digaayo inay kusii madax adeegto dhismaha darbiga iyo boobka ay ku heyso dhulka Somalia.

Nuqul kamid ah haddalka Zakariye Maxamuud Xaaji ayaa ahaa “Kenya waxaan uga digeynaa boobka ay ku heyso dhulka Soomaaliyeed, ma aqbaleyno taako ka mida dhulka Soomaaliyeed inay kusoo xad gudbaan dad aan dhaxal u laheyn’’

‘’Haddii ay dhagaha ka fureystaan dabcan Soomaali ayaanu nahay idinkagama aamusi doono waanu idinka kicin doonaa’’

Zakariye Maxamuud Xaaji, waxa uu sidoo kale sheegay in marnaba aysan macquul aheyn in laga aamuso xiisada Balad Xaawo ee ku u soo xadgudubka dowladda Kenya ee Dhulka Soomaaliyeed.

“Waxa aanu u dhaaranay ma ahan inaan ka aamusno boobka cad ay Kenya ku dooneyso dhulka Soomaaliyeed, waxaa la inooga baahanyahay bad baadinta dhulka badda iyo shacbiga soomaaliyeed”

Haddalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji ayaa kusoo beegmaaya xili Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed uu sheegay in Kenya ay si KMG ah u joojisay faragalinta iyo dhismaha darbiga xadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com