Cayrintii Nicholas Haysom iyo go’aankii ay ku xajisay DF waa laba aan is-qaban

Shalay, sow Heysom looma ceyrin inuu, madaxbanaadida dalka ku xadgubay?. Oo miyaanay xadgudub aheyn in nin ajnabi dartii dastuurka dalka loo bedelo si uu xil uga qabto! Sow ra’iisul wasaare Kheyre kuma goodin, karaamada dalka shacabka Soomaaliyeed ayaan ka raadineynaa, cid kale maya?, Ma karaamay u tahay shacabku, iyadoo nin Soomaali joogo, in mid ajnabi ah bangiga dhexe loo dhiibo! Sow madaxweyne Farmaajo ma balanqaadin, inuu dastuurka  ilaalinayo?, Sow isagii ajanabi dartii maalin cad loo bedelay! Taasi hadday dhacday, kolka ma weysaa dhowran. Hasha maankayga gaddaye, ma Masaar bay liqday?!!

Isma laheyn, nimankii madaxii UN-Ka dalka ka ceyriyay, baa maanta ajnabi kale bangigii umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyay madax uga dhigaya. Wixii shalay golaha baarlamaanka ka dhacayse, maankeyga liqi waayey.

Waa marka hore e’,xaajo tuur leh baa nin la toosane. Sida fudud ee sharcigii shalay baarlamaanka ku ansixiyay la yaab bay aheyd. Waxaase yaabka isag bi’in kartaa, in xildhibaanka codeynaya lagu soo xulay xaal aad xog-ogaal u tahay. Waxaanse ka murugooday, sida mustaqbalka dalka noqon doonno, mar haddii, masiirka dalka wax ka bedeladdiisa ay iska noqotay mid habeenkii lagu haasaawo, maalintiina baarlamaanku meel mariyo. Sow ma dhici karto berri,in sharciyo badan sidas fudud loo bedelo, kaasoo diin ahaan iyo dhaqan ahaan na dhibaya?

La yaab iguma ah, in dalka ajnabi ka howlgalaan, oo haddaba dekedda iyo gegeda diyaaradaha wey ka shaqeeyaan, waddamo badan oo caalamkana way ka jiraan. Waxaanse uur-kutaallo ah in dastuur dhan ummad u degsan in shaqsi ajnabi dartii loo bedelo si uu dalka xil uga qabto.

Sagaaro saalo muuqatay aastaaye, haddiise aad leedahay Soomaali badan baa xilal ka haya galbeedka, haa waa runtaa, aanse ku xasuusiyo, kuwaasi, waa kuwa u hoggaasamay shuruucda dalkaas, bartay luqadiisa iyo dhaqankiisa, sharcina ku yimid dastuurna aan dartooda loo bedelin. Intaas fulinteeda halkeeda ha joogtee, Illaa iyo hadda ma hayno sharciga ajnabi xil noogu qabanayo iyo midka uu ku baxayo, waase la ansixiyay!

Dhinaca kale, Ma waxaa la waayay, shaqsi Soomaali ah oo jagadaas ku habboon?, Ma waxaa laga cararayaa hab-qeybsiga beelaha ee 4.5?, Mise waxaa innagu qasbaya IMF-ta(Hey’adda lacagta adduunka)?

Waa hubaal, inan la waayin shaqsi Soomaali ah oo qibrad iyo aqoonba u leh howshaas. Haddiise 4.5 caqabad tahay, Ma bedel fiican baa, in dastuur loo dooriyo si ajnabi loo doorto?, Haddiise ay tahay cadaadis ka yimid IMF-ta, sow taasi maaha ku xadgudub karaamada dalka iyo dadka?

Sow ceeb iyo sharaf dhac kuma aha dalka iyo dadka Soomaalida oo dhan?, maadaama, tani caalamka tuseyso, liidnaasho iyo inan Soomaalida weli la aamini Karin aqoon sarena laheyn.

Yeelkeede, Sow wasiirka arrimaha dibadda, BEEYLE, ma sheegin, in dowladdan sharuudo badan buuxisay oo xagga deyn cafinta kuwaasoo kaga yimid IMF-ta. Maxaa diiday isla waddadaas in lagu socdo iyadoon ajnabi looga baahan bangiga dhexe?!

Aan soo yareeyee, Haddii madaxdi hore lagu xaman jiray, in ay si dadban dalka waxay doonaan ka yeelan jireen, sow lama dhihi karo kuwani, tiiyoo sharciyeysan bay dalka ka dhaqan gelinayaan.

Ugu danbeyn, dalka waa la wada leeyahaye, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka fiirsato go’aamada halistooda leh ee dalka masiirkiisa danbe wax u dhimi kara, maxaa yeelay kuwa maanta jooga berri way tagayaan, laakin sharciga waa halkiisa.

W/Q: Abdinasir Safaana
Email: Safaanahaji@gmail.com
Facebook: Abdinasir.safaana

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid