28.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

“CC ma sii ahaan karo Senator, maadaama uu dal kale u shaqeeyo” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa weerar ku qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalka Sare.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook, ayuu Xoosh Jabriil su’aal ka keenay haddii Cumar Cabdirashiid uu sii ahaan karo xubin ka tirsan Aqalka Sare, maadaama uu caddeystay inuu u shaqeeyo dal kale oo ah Imaaraadka Carabta, inkasta oo uusan magacaabin.

Caasimada Online ayaa dhowr bilood ka hor shaacisay in Cumar uu yahay wakiilka Imaaraadka ee Soomaaliya, una qaabilsan kala gaynta dowladda, shacabka iyo maamul goboleedyada.

Qoraalka uu Xoosh Jabriil, soo dhigay Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waa markii ugu horrey ee xubin ka tirsan dowladda uu si shaacsan ama dadban u sheego in Cumar Cabdirashiid yahay caade qaate iibsanaya dalkiisa, una shaqeeya dal kale oo caddeystay inuu yahay cadowga koowaad ee Soomaaliya ay maanta leedahay.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay si rasmi ah baaritaan ugu billaabaan Cumar Cabdirashiid, xilkana ka xayuubiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News