Garowe (Caasimada Online)- Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa dhaliilsan wadahadalada u dhaxeeya Puntlan iyo dowlada Soomaaliya, iyaga oo sheegaya in Puntland ku dhagan tahay go’aan saxan oo ah in 4.5 dhibaato u yahay Soomaalida.
Siyaasi Cali Maxamed Axmed “Cali Daacuun” ayaa lamid noqday hadalo ay warbaahinta siiyeen Salaad Cali Jeele iyo Craxmaan Faroole oo sheegay in Cumar C/rashiid uu ka shaqeynayo sidii markale loosoo dooran lahaa Xasan Sheikh.
Cali Daacuun, wuxuu sheegay in nidaamka Puntland diidan tahay uu yahay mid awood siinaya dowlada Xasan Sheikh Maxamuud uuna markale fursad u helayo in lasoo doorto.
Wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha dalka inuu isaga tago Puntland haddii uu aaminsan yahay fikrada 4.5, haddii kalana uu la laabtaa fikrada Puntland ee ah in hab deegaan wax lagu soo doortaa.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u tagay magaalada Garowe inuu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaase jira sharuudo adag oo Puntland ay la timid si ay aqbasho 4.5,w axaana haddii uu kasoo tagaa magaalada Garowe iyadoo xal aan la gaarin aysan u wanaagsaneyn dowlada Soomaaliya.
Waxaana la sheegay iney soo jeedisay in fadhiga baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho loona wareejiyoo Garowe ama Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

