Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Madaxtooyada Soomaaliya aan helnay ayaa sheegaya in Xukuumada cusub lagu soo darayo ilaa 10 wasiir oo laga soo xulan doono Xildhibaanada ku mideysan kutalada Badbaado Qaran kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay si weyn u mucaaradayay xukuumada.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu magacaabo ilaa 10 Wasiir oo ka imaanaya dhanka Kutlada inkastoo aanan helin magacyaada raga loo wado inay Wasiiro ka noqdaan Xukuumada cusub.
Ra’iisul wasaare CCC Sharmaake ayaa aamisan in Kutlada ay miisaan ku dhex leeyihiin baarlamaanka sidaa daraadeed ay tahay inay xukuumad ka mid noqdaan.
Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu diidan yahay qorshaha uu wado ra’iisul wasaaraha. Inkasta oo uu Xasan ogol yahay in wasiiro la siiyo Kutlada, haddana waxaa lagu warramayaa inuu kasoo horjeedo in la siiyo 10 wasiir, oo uu u arko kuwa badan.
Dhanka kale wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Kutlada Badbaado Qaran iyaga looga fadhiyo inay iska soo dhex xushaan tobanka Wasiir ee loo ogolyahay, taasi oo dhibkeeda leh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

