26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

“Siyaasada Somalia waxa ay gacanta u gashay SHAQSIYAAD jaga doon ah”…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cawada Axmed Cashara oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa dhaliilo kala duwan u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiga ayaa sheegay in DF Somalia ay lumisay kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Tilmaamay in xiligaani uusan la dhacsaneyn hanaanka ay ku hogaamineyso Siyaasada dalka.

Cawada Axmed waxa uu carabka ku dhuftay in xiligaani uusan muuqan saan saan dowladda Federaalka ay ku doonayso in lagu dhiso ciidamo xoogan oo dalka ku filan iyo sidoo kale ciidamada hadda shaqeeya oo aan helin mushaakoodii.

Sidoo kale, waxa uu farta ku fiiqay in Siyaasada dalka oo idil ay gacanta u gashay shaqsiyaad gaar ah oo uu ku tilmaamay kuwo Jago doon ah.

Cawad ayaa dhinaca kale ka hadlay aaragtidiisa ku aadan dib ula laabashada wasiirada ee Ra’iisul wasaare Cumar, waxaana taasi uu ku amaanay in ay ka dambeeyaan xildhibaanada oo uu sheegay in ay yihiin dad hadda u muuqda kuwo gudanaya waa jibkooda qaran.

Isagoo ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Baarlamaanka waxaan ka rajeynaynaa in halkaasi ay kasii wadaan shaqadooda oo dalka ka eegaan kooxda rabta in dowladda dhan u afduubnaato” Cawada ayaa sidaasi yiri.

Dhanka kale, haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid uu ku fashilmay go’aankii uu BF ku horgeynaayay Golihii wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News