28.8 C
Mogadishu
Tuesday, April 14, 2026

Waa sidee caawa jawiga Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia, ayaa sheegaya in Caawa halkaasi uu ka socdo Kulan adag oo u dhexeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ujeedka kulankaasi uu yahay mid ay labada Mas’uul uga wada xaajoonayaan Khilaaf hoosaad ka taagan hanaanka lagu soo xulaayo Wasiirada cusub ee uu soo dhisaayo Ra’isul wasaare Cumar.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu ku adeegayo in qaar kamid ah lagu soo daro xukuumada cusub, halka warar kaasi khilaafsana ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Ogolyahay in la dhaqan galiyo wixii ku jira maslaxada Golaha wasiirada, balse loo qadariyo shaqsiyaad gaar ah oo aan kamid aheyn kuwa laga soo horjeedo oo uu la imaanaayo.

Dhanka kale, Ra’isul wasaaraha dalka ayaa dhankiisa ka biya diidan in Xukuumadiisa uu kusoo daro Afartii wasiir ee sababta u ahaa kala dirista Golaha wasiirada iyo qaar kamid ah wasiirada.

Lama oga go’aanka ay labada mas’uul ay isla qaadadhigi doonaan inkastoo Ra’isul wasaaraha uu ka dhaga adeegayo inuu soo celsho wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News