CC Shakuur: Farmaajo shalay waxaa ku dhacday seddax dharbaaxo oo talantaalli ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa weerar xoog leh ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, oo uu sheegay inay shalay si dhab ah usoo if-baxday hogaamiye kooxeednimadiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyey saddex arrin oo uu sheegay inay Farmaajo ku noqdeen dhirbaaxooyin talantaali ah oo waji-gabax ku ah, xili uu dhawaan sameystay muddo kororsi.

“Farmaajo shalay seddax dharbaaxo oo talantaalli ah ayaa ku dhacday. Seddaxduba waxey dibada soo dhigeen hoggaamiye kooxeednimadiisa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Tan koowaad, waa dhacdaddii garoonka diyaaradaha oo muujisay in nabadsugiddiisu dhaqan maleeshiyaad leeyihiin.”

“Tan labaad waa shirkii uu ku soo uruursaday haraagii hoggaamiye kooxeedka iyo kuwii hormuudka u ahaa xasuuqii Itoobiya.”

“Tan seddexaad waa canbaareyntii uga timid Midowga Afrika, dunida inteedii kalana ku raaceen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Ruuxii maanta ka dib sii agjooga waa qof u af-duuban, sababtuba sidey doonto ha noqotee.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu wajahayo cadaadisyo xoogan oo uga imaanaya madaxda Afrika iyo beesha caalamka oo halis amni u arka tallaabada uu xukunka ku dheereystay ee ay u meel-mariyeen Golaha Shacabka.