Mareykanka oo ergey gaar usoo magacaabay dalalka Geeska Afrika + Ujeedka

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Afrika.

Blinken ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulka uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaal diblomaasiyadeed oo caalami ah oo wax looga qabanayo xasaradaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Blinken ayaa sheegay in Feltman oo xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Qaramada Midoobay uu si gaar ah ugu habboon yahay inuu khibrado tobaneeyo sano ah keeno Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. 

Waxa uu intaas ku daray in Feltman uu gobolka ka hormarin dooni wada-xaajoodyo iyo dhex-dhexaadin lagu horumarinayo istaraatiijiyadda Mareykanka ee wax ka qabashada arrimaha cakiran ee gobolka.

“Walaaca gaarka ah waa xaaladda aan deganeyn ee Ethiopia, oo ay ku jirto dagaalka gobolka Tigray, xiisadda sii xumaaneysa ee Ethiopia iyo Sudan; iyo muranka ku hareereesan biyo-xireenka webiga Nile,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu sheegay in isbeddel weyn oo ku saabsan istaraatiijiyadda gobolka iyo ku lug lahaansho sare oo Mareykanka ah ay muhiim u tahay in la qafiifiyo halisaha ay soo rogayaan khilaafyada sii xumaanaya, laguna siinayo fursado isbeddelo oo aan inta badan la helin.