Shariif Sheekh Ahmed oo farriin cusub soo saaray kadib go’aankii Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay baaqii Midowga Afrika ee xaalada Soomaaliya, isagoona ka digay tallaabooyinka qalafsan ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto meel halis ah, islamarkaana ay tahay in laga bad-baadiyo inta uusan god mugdi ah ku dhicin xal ka gaarista xiisada siyaasaddeed ee dalka, oo kasii dartay tan iyo markii uu golaha shacabka meel-mariyey muddo kordhin sharci darro ah.

“Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada oo inyar oo kamid ah golaha shacabka ay sifa aan waafaqsanayd shuruucda dalka u go’aamiyeen.”

Sidoo kale waxa uu markale ku celiyay in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Waxa uu ka digay in madaxda waqtigoodu dhamaaday ay dhagaha ka fureystaan baaqyada beesha caalamka, kuwaasi oo looga baaqsanayo qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, islamarkaana aan la aqbali karin in la dumiyo dowladnimada aan cagaha badan ku taagneyn ee meesha fog laga keenay.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan.”

“Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Sheekh Shariif.