CC Shakuur oo 3 ujeedo ka leh taageerada dhaqaale ee uu weydiistay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax Madaxweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed weydiisay in loogu tabaruco lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu u baahan yahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya, si looga maarmo gacan hoorsiga shisheeyaha iyo maalgelinta dowladaha kale, kuwaas oo ugu dambeyn saameyn ku yeesha go’aanada dowladda iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qasabtay inuu taageero weydiisto bulshada Soomaaliya, taas oo aan wali dhicin taariikhda Soomaaliya balse caadi ka tahay dunida kale ee hormartay.

Hogaamiyaha Wadajir ayaa la aaminsan yahay inuu tallaabadan ka damacsan yahay saddex ujeedo oo kala ah.

1- Inuu isaga weeciyo eedaha loo jeediyay dhowr jeer oo hore taasi oo taageerayaasha dowladda ku sheegaan inuu xariir la leeyahay Kenya iyo Imaaraadka Carabta islamarkaana ay siiyaan taageero lacageed.

2- In uu ku raadinayo magac islamarkaana uu noqdo siyaasigii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale weydiistay shacabka isagoo musharax ah, taasi oo muujineysa inuu yahay hoggaamiye dadka ku xiran.

3- Iyo In uu uga hormaro siyaasiin kale oo qorshahaan la aaminsan yahay in ay damacsanaayeen ku dhawaaqista qorshahaan oo kale, waxaana siyaasiintaas la aaminsan yahay inuu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loogu hadal haayaa baraha bulshada ee Internet-ka iyo goobaha la isugu yimaado ee Muqdisho codsigii musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ahaa inuu u baahanyahay lacag uu ku galo tartanka doorashada Soomaaliya.