Dagaallo culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi, iyaga oo beegsaday fariisimo ciidan.

Weerarada oo ahaa kuwa saddex jiho ah ayaa waaa xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray raggii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraradooda ku ekeeeyey saddex koontarool oo ku kala yaalla Buundada weyn, Mukayga iyo Haanta Dheer.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaallo qaatay saacad ka badan ay ka dhaceen halkaasi, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Afgooye iyo duleedka.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeararo gaadmo ah ku qaada degmada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Muqdisho.