Sawirro: Taageerayaasha Trump oo weeraray Congress-ka iyo toogasho ka dhacday

Washington (Caasimada Online) – Xaaladda Aqalka Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill ayaa caadi kusoo noqotay waxaana gacan ku heynteeda la wareegay ciidamada amniga, kadib markii ay saacado xoog ku haysteen burcad taageersan madaxweyne Donald Trump.

Aqalka ayaa waxaa ka socotay ansixinta doorashada Mareykanka, taasi oo haddii la dhameystiro si rasmi ah Joe Biden uga dhigi laheyd madaxweynaha cusub ee Mareykanka, isaga oo kadibna xilka la wareegi lahaa 20-ka Janaayo.

Hase yeeshee kumanaan ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa magaalada Washington ka sameeyey dibad-bax ay ugu magac dareen “Jooji Xatooyada,” ayaga oo ku doodaya in guusha doorashada laga qiyaamay, waxayna kadib weerareen Aqalka Capitol Hill.

Taageerayaasha oo kumanaan ah, ayaa jebiyey xeendaabkii Aqalka Capitol Hill kadib markii ay isku dhaceen booliska ilaalinayey. Booliska ayaa isku dayey inay ku kala cayriyaan sunta dadka ka ilemysiisa hase yeeshee waa ay ku guul-dareysteen.

Saacadihii ay haysteen xarunta, waxay burburiyeen qalabkii, waxay jeex-jeexeen dokumentiyadii, ayaga oo sidoo kale xubnaha Congress-ka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Booliska Capitol Hill ayaa sidoo kale toogtay haweeney ka mid ah taageerayaasha Trump ee galay xarunta, taasi oo saacado ay dhaawac aheyd kadib geeriyootay.

Waxaa sidoo kale lagu warramay in la helay laba bom oo aan qarixin, inkasta oo aysan caddeyn in laga helay gudaha xarunta ama dibedda.

Burcaddan ayaa waxaa soo abaabulay Trump oo weli ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweyne, inkasta oo marino badan oo uu maray, oo uu ku beddeli lahaa natiijada doorashada aysan miro dhalin.

Waa markii ugu horreysay taariikhda inta la xusuusto ee xarunta Capitol Hill ay la wareegaan dad carreysan. Waa maalin mugdi ah oo soo bartay taariikhda dimoqraadiyadda Mareykanka.