Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey guushii Joe Biden

Washington (Caasimada Online) – Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee ay ku soo baxeen madaxweyne Joe Biden & ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Congress-ka ayaa laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada kala ah Pennsylvania iyo Arizon ee doorashada.

Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta.

Go’aankan ayaa sidoo kale soo gaba-gabeeyey doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashadaMareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden.

Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay.

Dhinaca kale Trump oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyey inuu aqbalay xil wareejinta, balse wuuxuu tilmaamay inuu sii wadi doono dagaalka uu ku diidan yahay doorashada.

“Inkastoo aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu ku yiri qoraalka.

Joe Biden ayaa ansixinta guushiisa, kadib xilka si rasmi ah ula wareegi doono 20-ka bishan January ee sanadka cusub ee 2021-ka.