Daawo: Jeneral Galaal oo Hawiye hal arrin u weydiiyey guddoomiye Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye, ayaa halkaas ka jeediyey talooyin dhowr ah, isagoo aad u amaanay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Jeneraal Galaal oo waxgaradka beelaha Hawiye ku bogaadinaayey inay xuquuqdooda raadsadaan ayaa sidoo kale u soo jeediyey inay dhowraan xuquuqda walaalahooda kale, isagoo si gaar ah uga dardaarmay guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya waxaa guddoomiye ka ah nin la yiraahdo Cabdi Xaashi Cabdullahi, ninkaas waa nin wadani ah oo aan isagoo kale la arkin,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Saad ogtihiin waxuu u dhashay waqooyi, laakiin waqooyi kaliya kuma eka Cabdi Xaashi, markii la kala cararay isagu waa haray oo dalka kama cararin, marka Hawiye waxaan u soo jeedinayaa in ninkaas loo qanoosado Senator aan dhicin, oo aan ku xirneyn awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.”

Sidoo kale Jeneraal Galaal ayaa guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ragga ku aragtida ah ugu  baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan isu-raadinta Soomaaliweyn oo la isu keeno shanta Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay dad badan ayaa maanta diyaar u ah in midnimadii la sugo, waxaad arkeysaa dad shalay aad uga soo hor jeeday midnimmada oo waqiiga Soomaaliya jiray, oo maanta soo noqday, dib u fekeray, isla markaana diyaar u ah in midnimadii la sugo,” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Waxa uu sheegay inuu ka warhayo dhalinyaro iska abaabushay dalka Ingiriiska oo hal ku dhig ka dhigtay “Hadda iyo Midnimo” sidoo kalena ay jiraan warbaahin la baxday shanta Soomaaliyeed, taasna ay cadeyneyso sida dadka Soomaaliyeed ay u jecelyihiin midmimadooda.

“Waxaan maqlayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ay ka muuqato dib u feker xoog leh inuu ku jiro, maalin dhaweed markii uu tegay Kenya waxuu yiri, ‘anaga xuquuq waan raadsaneynaa, laakiin xuquuqdeena marna kuma raadineyno in Soomaali la karbaasho. Waxow kaloo yiri aniga nin iga Soomaali-san adduunka kuma noola” ayuu Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Jeneraal Galaal ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Cigaal mar laga qoray inuu yiri, “Waxaan hubaa in Soomaali mar un isku soo noqaneyso.

Hoos ka Daawo