Yuu ahaa bartilmaameedka qarixii wadada Cabdiqaasim?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax saaka aroortii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, gaar ahaan wadada Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta, xilli ay marayeen agagaarka dhismaha ay dhowaan ka guurtay safaaradda Qatar.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan oo geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac intaba.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Hodan, Cabdikaafi Yuusuf Nuur oo wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Asluubta, halka qofka kale uu ahaa wade mooto Bajaajle oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Cabdikaafi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la socday gaadiidka qaraxa lala eegtay, balse uu ka bad-baaday, wuxuuna tilmaamay in miinada ay qabsatay gaarigii ka horreeyey kan taliyaha oo ahaa baabuur Cabdi Bile ah.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaan, iyada oo shaacisay inuu si dirqi uga bad-badaay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, balse ay dileen qaar ka mid ah ciidamada ilaaladiisa ee la socday, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba waa sarkaalkii labaad ee ka bad-baado isku day dil ah, iyada oo oo habeen hore qarax kan la mid ah lala eegtay gaariga Afhayeenka ciidamada Booliiska oo marayey wadada 21 October ee degmada Waabari, walow uusan xilligaasi la socon baabuurka.