CC SHAKUUR oo aad ugu farxay go’aankii maamulka K/GALBEED laga qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa soo dhaweeyay qoraal kasoo baxay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qoraal dhinacyo badan ka koobnaa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Waxaan soo dhowaynaynaa qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo ay taageerayaan dawlada Ingiriiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub. Fariinta Beesha caalamka u direen Dawlada Federaalka ah ee ku aadan dilkii iyo xarigii ay Ciidanka Booliska kula kaceen shacabka Koonfur Galbeed, waxay tilmaam u tahay in Beesha Caalamka bilwaday ka falcelinta gaboodfalka iyo ku takrifalka awoodeed ee madaxda Dawlada Federaalka ah.

Waxaan kaloo soo dhoweynaynaa hakinta deeqdii dhaqaale ee ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed inta xukuumada Federaalka ah ay ka jawaabayso su’aalaha sharciga ah ee la hordhigay ee ku aadan habdhaqanka Booliska Federaalka ah guud ahaan iyo Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan.

Cidii garasho leh waxay dareemi kartaa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay qoraalka ka soo baxay xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobay iyo raadayn taban ee dhinaca sharciga iyo xadgudubka xuquuql insaanka ee uu ku yeelan karo madaxda dawlada iyo saraakiisha ciidanka ee ku lug leh gaboodfalkii dhacay.

Waxaan xoojinayaa kulamada ay deeqbixiyayaashu ku dalbadeen in la xisaabtanka lagu daro gaboodfalka joogtada ah ee uu taliska Boolisku Gobolka Banaadir, gaar ahaan ciidanka Hay’adda Sirdoonka (NISA) laga soo wareejiyey ku hayaan Shacabka Muqdisho, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo Xisbiyada siyaasadeed.

Hadii dawladu Dastuurka dalka ilaalin wayso, sharciga iyo qaanuunkana dhowri wayso, natiijadu waxay noqonaysaa laba midkood

1- In shacabku sharciga gacantooda ku qaataan, gabood falkana iska caabiyaan, waana cawaaqib xumidii dawladii hore dumisay 2- iyo in aduunka soo dhexgalo oo uu masuuliyada nagula xisaabtamo.

Waxaa lagama maarmaan ah in Hoggaanka sare ee dawlada ay ogaadaan in aysan jirin cid sharciga ka saraysa ama sida ay doonto ka yeeli karta. Hadii xil iyo awood laguugu aaminay macnaheeda maaha in aad sidii aad doonto ugu takri fasho. Xisaabtanka oo soo daaha macnaheeda maaha in aad cadaalada ka fakan karto, cadaalada maalin uun baa lagaa gudan. Waxaan u digaynaa saraakiisha ciidanka qaybihiisa kala duwan, Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida in ay takrifal iyo xadgudub kula kacaan shacabkooda iyagoo fulinaya amaro sharciga iyo dastuurka dalka khilaafsan. .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com