SOMALILAND oo jawaab ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Jeneraal Morgan

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay hadalada hanjabaada ah ee kasoo yeeray inta badan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Suleymaan Cali koore, wasiirka horumarinta Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka dhawaanka dhacaya magaalada Garowe, waxaana uu u jawaabay musharixiin qaar oo sheegay inay qabsan doonaan deegaanada Somaliland ka joogaan Sool iyo Sanaag.

Suleymaan ayaa si toos ah ugu jawaabay Musharax Moorgan, isaga oo sheegay inuu ahaa shaqsi ciidanka ugu badan taliyaha u ahaa xiligii dowladii dhexe, balse uu noqday ruuxii ay reer Somaliland kasoo ceyriyeen deegaanada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Moorgan wuxuu ahaa nin hogaaminayay ciidamadii ugu badnaa oo hub walbaa heystay xiligii dowladdii dhexe, wuxuuna noqday ruxii halkaan laga ceyriyay, haddaan dadku TAANGI noqoneyn, wuxuu hadda hayaa oo gacantiisa ku jiraa ma jirto”ayuu yiri Suleymaan Koore.

Somaliland ayuu sheegay inay hadda leedahay awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanada xuduuda ku yaala, balse wuxuu sheegay inay doonayaan in nabad lagu wada noolaado, sida uu hadalka u dhigay.

Musharixiin Badan ayaa balan qaaday inay soo celin doonaan deegaano ay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin shacabka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com