Mahad Salad oo jawaab ka bixiyey qoraalkii xasaasiga ee kasoo baxay Haysom

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa facebook uga fal-celiyey qoraalkii wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu u diray Amisom iyo Itoobiya kadib markii ay ciidamadooda ku yeesheen dad lagu dilay Baydhabo markii lasoo xiray Roobow kadib.

Mahad Salaad ayaa ku baaqay inaan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad uu soo dhigay facebook.

Midowga Yurub, Dowladaha Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa joojiyay lacagtii ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed kadib markii lagu eedeeyay:

– Xarigii Mukhtaar Roobow.

– Dad shacab ah oo lagu laayay mudaharaadyadii Baydhabo ka dhacay 13 ilaa 15 December.

– Xirida ku dhawaad 300 Shacab ah oo intooda badan caruur ahaayeen sida warbixinta lagu sheegay.

Sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa waraaq u qoray AMISOM iyo Safaarada Itoobiya ku leedahay magaalada Mogadishu uu ku weydiinayo ku lug lahaanshaha Ciidamada Itoobiya gaboodfalladii ka dhacay magaalada Baydhabo 13 – 15 December.

Waxaan rajaynaynaa in aan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay in uu fikirkiisa u cabiro si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad