CC Shakuur oo dowladda Xasan ugu baaqay laba arrin weyn kadib tallaabadii Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay tallaabadii u dambeysay ee ay qaaday dowladda Itoobiya, ayaa ku baaqay laba arrin oo muhiim ah.

Cabdiraxmaan ayaa waxa uu hoggaanka dowladda ugu baaqay in uu aragtidii iyo dhaqankii hore wax ka beddelaan, islamarkaana ay garaystaan in aan maanta ugu baahi badanahay laba arrin oo kala ah;

1. Midnimo iyo wadajir dhinacna la iska dhigo khilaafka, xafiiltanka iyo rag iska dhicinta.

2- In dadka qaranka u adeegaya lagu xulo karti iyo hawlkarnimo, meeshana laga saaro hebel qancinta, kooxaysiga iyo qof jeclaysiga.

“Waxaan ku celinayaa Itoobiya qof iyo qabiil dirac nagama celin karo ee Qaran Dirac ah ayaa naga dhicin kara,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Soo jeedinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imanaysa xilli Itoobiya ay qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureynayso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.

Qoraalkaasi oo ay uga dan leedahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hore ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, uuna lamid yahay heshiisyadii ay hore ula gashay Somaliland oo kale.

Ujeedka qoraalkaas ayaa u muuqda mid ay Itoobiya ka leedahay marin habaabin, jahwareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uusan xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay Itoobiya isku dayeyso inay caalamka ka iibiso in aysan ku kicin xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, islamarkaana wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.