CC Shakuur oo ka hadlay arrinta doodda ay ka taagan tahay ee dhulallka dowladda

Muqdisho (Caasimada Online)- Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray kaga fal celiyay arrinta dooda taagan ee dhulalka dowladda oo madaxweyne Farmaajo uu war qoraal ah kasoo saaray.

CC Shakuur ayaa sheegay in qoraalka laga soo saaray xafiiska madaxweynaha xili uu safar ku maqan yahay ay tahay mid siyaasadeysan oo isir sifeyn siyaasadeed oo ka dhex socota rag ku kala aragti duwan maqaamka caasimada dalka ee Muqdisho iyo gobolka Banaadir iyo falkii dhacay 17-kii December.

Mr. CC Shakuur ayaa xusay in hadalka Madaxweynaha yahay mid xaq ah balse baadil loola jeedo madaama boobka Hantida qaranka uusan ku koobneyn gobolka Banaadir ee guud ahaan dalka uu ka jiro.

Wuxuu ka digay CCShakuur natiijada ka dhalan karta tallaabooyinka wax uu ku sheegay shirqoolka daba socda qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ee siyaasadeysan kana danbeeyaan dad uu sheegay inay marin habaabinayaan madaxweynaha.

Hadalka CC Shakuur ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka digay dhul boob lagu haayo dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, qoraalkaasina lagu sheegay in sharci daro tahay dhulalka la bixiyay wixii ka danbeeyay 8-febraayo 2017.