CC Shakuur oo ka hadlay raali-gelintii uu siiyey Xasan Kheyre, dalab cusub-na diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay kulan uu xalay gurigiisa kula qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasi oo uu raali-gelin ku siiyey.

Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”

Waxa uu ugu baaqay in mas’uuliyiinta kale ee dowladda ay ku daydaan Kheyre. “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur kuma sheegin inuu aqbalay raali-gelinta Xasan Cali Kheyre iyo in kale, waxaana muuqata inuu si farsameysan u xusay raali-gelinta Kheyre, isaga oo aan shaacin inuu aqbalay iyo in kale.

Weerarkan oo 17-kii December 2017 ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda,  ayaa waxaa lagu dilay 6 ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu xiray.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxda Madasha ay diideen in Musharax Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda Madasha ayaa la sheegay in ay Kheyre ku cadaadiyeen in uu marka hore cudur daar ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka billaabay inuu raali-geliyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maadaama ay ahayd dhacdadii ugu weyneyd, iyo tan kaliya ee dad ay ku dhinteen.