CC Shakuur oo ka horyimid xeer uu saxiixay Farmaajo ‘oo taariikhda laga bedelay’

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad la sheegay iney kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ansixineysa toddoba xubnood oo ka mid ah 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in taariikhda warqadda laga been abuuray, sidoo kalana ay tahay sharci darro waxa uu sameynayo sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiis Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu galay laba dambi, tan hore ay tahay inuu si bareer ah u jabiyay qodob dastuuri ah, waliba qodobada 71-aad iyo 112-aad ee dastuurka kaas oo dhigaya in xubnahaan ay tahay in la marsiiyo Aqalka Sare.

Sidoo kale wuxuu dood galiyay hanaanka sawirka saxiixa warqadda, wuxuuna sheegay in Farmaajo waddo walba u maraayo inuu sii joogo xafiska.

Qoraalka hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa yimid kadib markii lasoo dusiyay warqad uu ku saxiixan yahay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo cadeynaya inuu saxiixay todoba xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Xubnahaan tiradoodu gaareyso 7-da ayaa ka mid noqonaya 9-ka xubnood ee Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumadda Soomaaliya ansixisay 16-kii November sanadkii tagay ee 2020.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR

Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ayaa saxiixay liiska xubnaha noqonaya Golaha Addeegga Garsoorka. Taariikhda digreetada ayaa lagu qoray 30kii December 2020, si looga dhigo in la saxiixay intii uu muddo xileedkiisu shaqaynayey. Wuxuu damacsanyahay in uu si sharci darro ah ku dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ay qiil u raadiso si uu xukunka ku sii heysan karo.

Farmaajo wuxuu galay labo danbi. Kan koowaad waa in uu si cad oo bareer ah u jebiyey qodobbo dastuuri ah sida; Qod. 71, 112 ee dastuurka ee dhigaya in Aqalka Sare la soo marsiiyo Golaha Adeegga Garsoorka inta uusan madaxweynaha digreeto ku soo saarin. Wuxuu saxiixay iyadoo aan Aqalka Sare la soo marsiinin.

Danbiga kale, waa in uu been abuuray (Tazwiiray ama Foojar) gareeyey taariikhda saxiixa. Waxaa muuqata in uu waddo kasta u marayo si uu xukunka sifo sharci darro ah ugu sii joogo.