Mareykanka oo fariin gaar u diray Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa fariin toos ah la wadaagtay sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, waxeyna ku booriyeen iney xaliyaan arrimaha ku hor gudban heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu gaaray Muqdisho.

Fariintaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa adkeyneysa fariin ka timid beesha caalamka oo ka digeysa inuu shirka dhaafo 15-ka February, waxeyna sidoo kale ka digeen in cudur daarka ugu weyn uu noqdo inaan wali la isku waafaqin halkii lagu qaban lahaa shirka.

“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyayaasha iney xaliyaan arrimaha looga dooday shirkii ka dhacay dhuusamareeb, ayna wakhti kooban ku qabtaan doorashada, iyadoo aan la dhinac mareynin heshiiskii doorashada ee 17-kii September,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Fariintaan oo si toos ah u taabaneysa sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana timid xafiiska danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Donald Yamamoto ayaa la raaciyay:

“Waxaa la joogaa wakhtigii la muujin lahaa hogaan bisil oo jihadiisa cadahay, iyo in midnimo lagu wajaho wax walba, si loogu dhaqaaqo waddo u wanaagsan Soomaaliya isla markaana tusaale u noqota mustaqbalka qaaradda Afrika”

Farmaajo iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaan wali ku heshiinin arrimaha doorashada, waxaana wali la sugayaa in la isi soo horfariisto isla markaana la dhameeyo wax walba oo ku hor gudban doorashada.

Shirkii Dhuusamareeb wuxuu ku dhamaaday fashil iyadoo sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay inuu tanaasul badan sameeyay balse loo tanaasuli waayay.

Si kastaba shir ayaa lagu baaqay aan wali la iclaamin halka rasmiga ah ee lagu qabanayo, beesha caalamka ayaana ku riixeysa hogaamiyayaasha Soomaalida iney heshiiyaan oo ay meel wax wada dhigaan.