CC SHAKUUR oo qaaday tallaabo yaab leh oo aan looga baran musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabduishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa taageero dhaqaale ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, isagoo si toos ah bulshada uga dalbaday inay hiil iyo hoo’oba la garab istaagaan, si uu ugu guuleyso xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Muuqaal uu iska soo duubay siyaasigan ayaa qeybihiisa dambe lagu soo bandhigay akoonnada iyo lambarrada uu ku dalbanayo inay taakuladooda u soo mariyaan dadka doonaya hoggaamintiisa.

“Waxaan caawa si toos ah taageero u weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, walaalayaal sida aad ogtihiinba ma jiro olole doorasho oo ka maarma garab istaaga dadkiisa, adduunka oo dhana waxaa looga dhaqmaa in dadka u tartamaaya xilka madaxtinimada ay taageero weydiistaan dadkooda,” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa sheegay inuu meesha ka saari doono caadada ah in dhaqaale doorashada lagu galo la weydiisto dal shisheeye, taas oo sida uu sheegay meesha ka saareysa in dalku qaato go’aano masiiri ah oo madax-banaan.

“Waxaa ayaan darro ah inay caado noqotay, in lagu faano taageero ajanebi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye,taas oo keentay in qof kasta oo xilka Soomaaliya ku soo baxa uu maxbuus u noqdo cidii taageerta go’aankeeda,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabduishakuur ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Anagoo ka duuleyna inaan ka xorowno taageerada ajanebiga iyo gacan hoorsiga shisheeyaha, iyo in go’aankeena nalala yeesho, ayaan shacabka Soomaaliyeed waxaan weydiisaneynaa inay nagu taageeraan wax kasta oo ay noo awoodaan, si go’aanka iyo talada ay shacabka Soomaaliyeed u yeeshaan.”

Hoos ka Daawo