Daawo: Jeneraal Galaal oo farriin xasaasi ah u diray beelaha Hawiye + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in Soomaaliya hoggaanka loogu dhiibo beelweynta Hawiye, isagoo shaaciyey sababta uu u yiri sidaas.

Waxa uu sheegay in beelweynta Hawiye ay ugu dad badantahay qoymiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay haatan ku haboonaa laheyd in hoggaaminta Soomaaliya looga dambeeyo Hawiye, sida uu hadalka u dhigay.

“Markii tira koob la sameeyey waxaa la ogaaday in dadka Soomaaliyeed 38% ay yihiin Hawiye, waxaa ku xiga Isaaqa oo 25% ah, waxaa ku sii xiga Daaroodka oo 18% ka ah Soomaalida,” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaad fiirisaan 38 iyo 18 tirada u dhaxeysa, marka dadka ugu badan waa Hawiyaha, sharciguna waxa uu qabaa in tirada badan ay wax hoggaamiso, marka waa in Hawiyuhu hoggaamiyaa Soomaalida.”

Waxa uu sheegay in Beesha Hawiye la yiraahdo ay tiro iyo tayaba leedahay, balse waayihii dambe ay wax ka jireen dhanka talada, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Inaan hormuud noqono Soomaaliweyn oo xuquuqdeenii raadsano, tii dadka kalena raadino, wax ka yari nama deeqaane, waxaan soo jeedinayaa inaan Soomaaliweyn ku raadino tiradeena iyo tayadeena intaba,” ayuu Jeneraal Galaal hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo adkeysi badan oo soo marti gelisay dhibaatooyin lixaad leh, isagoo soo jeediyey in Muqdisho loo aqoonsado inay tahay ‘magaaladii geesinimada’.

Hoos ka Daawo