CC Shakuur oo raali-gelin ka bixiyey qoraalkii la xiriiray qabriga Max’ed Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal uu dhowaan ugu jawaabay Wasiirka Gargaarka, Khadiijo Maxamed Diiriye, mar ay booqatay qabrigii Maxamed Siyaad Barre.

“Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin,” ayuu yiri dhawaan kadib markii uu faallo ka bixiyay Wasiir Khadiija oo booqatay qabrigii Siyaad Barre.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horreeyntii sheegay in ujeedkiisu uusan ahayn in uu diido u ducayn qof dhintay, booqasho qabri ama uu beel Soomaliyeed wax u dhimo, balse uu uga dan lahaa ifinta wax uu ku sheegay ‘in aan xukun lagu raadin raali-gelinta madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday.

“Waxaan ka raalli gelinayaa intii u fahamtay in aan duco iyo siyaaro u diidanahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre ama u qaadatay inaan Khadiijo ama qabiil gooni ah duullaan ku ahay”.

Sidoo kale waxa uu ka cudur daartay in ula jeedka uu uga falceliyay arrintaas aysan aheyn in uu dhaleeceeyo Wasiir Khadiijo oo uu sheegay inay Reer Buulo Burte isla ahaan jireen.

“Maaddaama ay adag tahay in aragti midaysan laga yeesho shakhsiyaadka iyo sooyaalka taariikhdooda togan ama taban, oo mid ay dad badani danbiile u haystaan ay dhici karto in uu qola kale geesi agtooda ka yahay, waxaan go’aansaday inaan ka gaabsado qiimaynta shakhsiyaadka lagu kala qaybsan yahay, ilaa laga fursan waayo maahee, oo markaana aan si taxaddar leh uga hadlo anigoo xeerinaya dareenkaas kala duwan ee bulshada,” ayuu ku yiri qoraal dheer oo uu raali-gelin uga bixiyay arrintaan.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeysay aad looga hadlayey baraha bulshada, ayada oo bulshaduna qaabab kala duwan uga hadleen, midaasi oo la fahamsan yahay inay keentay raali-galinta uu maanta ka bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.