CC Shakuur oo shaaciyey ‘arrin uu galabta kula kulmay’ garoonka Muqdisho – “Garoonka kuma jirin gacanta DF”

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmihii damb ku sugnaa magaalada Garowe ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxuuna soo bandhigay waxyaabihii uu ku arkay garoonka Aadan Cadde iyo sidii ay wax u socdeen, markii ay soo degeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

“Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu sheegay inay ula muuqatay in safiirka Mareykanka uu dammaanad qaade ka ahaa madaxda imaatay Muqdisho, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaanadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah.”

“Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen. Galabta Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay inay u muuqato in saamilay muhiim ah ay miiska go’aanka ka maqan-yihiin, balse uu ku kalsoonyahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin, iyadoo madaxda kale ee ka maqan aysan imaan.

“Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran

Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin. Waxaa markii ugu horreysay muddo sanado ah aan galay VIP-da, waxaan arkay xildhibaannadii iyo wasiirradii Jubbaland iyo Puntland oo uusan midna ka maqneyn, sidoo kale siyaasiyiintii reer Muqdisho. Waxaan markii aan sii baxayey salaan ii saaray ciidankii, waan yaabay, anigoo is leh ciidan salaan kuuma saari jirine waa sidee! ayaan arkay calaamadda u xiran oo tii Jubbaland iyo Puntland ah.

Ciidankii NISA, Haramcad iyo koofiya castii midna ma joogin goobta. Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen. Galabta Garoonka gacan ku hayn dawladeed kama jirin, waxaana masuuliyadeeda leh cidii sababtay in ciidanka dawlada laga aamin baxo.

Waxaa kaloo iyana cad in sida ay haatan u muuqato ay saamilay muhiim ah miiska go’aanka ka maqan yihiin, waxaanse ku kalsoonnahay in labada madaxweyne ee maanta yimid aysan miiska tegi doonin iyada oo uu kooramku dhammaystirmin.

Qolada u baahan in ay maanta cashar qaadato, waa kuwa siyaasadda muufaysiga iyo maalin jooga ugu jira iyo qolada sida Jinnigii nabi Sulaymaan ku shaqaynayey ee mooday in uu weli noolyahay, laakiin aboor ushii uu cuskanaa cunay, kaddibna uu dhulka ku dhacay, sidaasna ay Jinnigii ku ogaadeen geerida Nabiga.