Kulan u socda madaxweyne Xasan Sheekh, Deni, Shariif Xasan iyo CC Shakuur

Kulan xasaasi ah ayaa wuxuu hadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dhex marayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Kulanka oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey siyaasadda iyo marxaladda kala guurka ayaa wuxuu ka socdaa guriga uu Xasan Sheekh ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u sheegay suurtagalnimada inuu kulankaan kusoo biiro madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sidii heshiis lagu mideysan yahay looga gaari lahaa nooca doorashada ee ka dhici doonto dalka iyo go’aanada ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe la hor tagi lahaayeen kulanka ay saacadaha soo socdo la yeelan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madasha xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xoogga saarayo sidii looga qeyb gelin lahaa go’aanada iyo heshiisyada laga gaarayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto halka Dowladda Dhexe ay gebi ahaanba inkirtay in door laga siiyo.

Wixii kasoo baxo kulanka kala soco Caasimadda Online.