Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia iyo NISA xilli Axmed Madoobe uu ku sugan yahay Muqdisho

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee hoos taga Jubaland ayaa eedeyn culeys u jeediyey madaxtooyada Soomaaliya iyo hay’adda Nabad-Sugidda, xilli madaxweynaha Jubaland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, oo uu kula kulmayo madaxweyne Farmaajo.

Eedeyntan ayaa lagu jeediyey Bayaan kasoo baxay shir ay yeesheen masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee maamulka Gobolka Gedo oo uu shir gudoominayey Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland Maxamed Muxumed Maxamed.

“Hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha, tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay iyo waqtigaan waxey Gobolka Gedo kusii aruurinayaan ciidamado Muqdisho laga keenay oo laga leexiyay waajibaadkoodi qaran, islamarkaana loo isticmaalay dano siyaasadeed oo guracan iyo abuuridda jabhad cusub oo dhamaantood hoostago Hey’adda Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalada Gobolka Gedo “ay tahay mid faraha ka baxeyso ayna ka faa’iideysteen argagixisad.”

Maamulka Gedo ayaa sheegay inay ka digayaan cawaaqibka xun ee ka dhalan karo, sida ay yiraahdeen, sii socoshada danaha guracan iyo ku tumashada sharciga dalka u dagsan ee ay wadaan Hey’aada Nabad sugidda iyo xafiiska Madaxweynaha.

“Uga danbeyntii Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ka codsanayaan DFS, FMS iyo Beesha Caalaamka ee Soomaaliya gacan siisa oo uu wakiil ka ka yahay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda marugsan ee Bini’aadamnimo iyo ciidamada Soomaaliyeed ee is horfadhiyo inta aysan xaaladda faraha ka bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka.