CC Shakuur oo shaaciyey cidda wadata musharrax Roobow ee ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay wadato kana dambeyso mushraxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur su’aal kaga keenay sababta warbaahinta qaranka ay u tebisay musharaxnimada Roobow, islamarkaana aysan u tebin xisbiga Xasan Sheekh uu shalay Muqdisho ku daah-furay.

“TV-ga qaranka Soomaaliya wuxuu baahinayaa warbixinta Mukhtar Robow. TV ga qaranka marna ma baahin muuqaal ku saabsan Xisbiyada Dalka ka jira, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Tani waxay cadayn u tahay in ololaha doorashada Mukhtar Robow laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA” ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkiisa.

Si kastaba, hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muuqday mid aan sax ahayn kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay xalay si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Halkan ka aqriso warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com