Farmaajo oo Muqdisho ku casuumay madaxweynaha Sudan iyo jawaabta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan Yaasir Khadar oo Xafiiskiisa kula kulmay Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sudan Cismaan Axmed Maxamed ayaa ka gudoomay Warqad Casumaad ah oo Madaxweyne Farmaajo u diray Dhiggiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Warqadaan uu qoray ugu Casuumay Soomaaliya in uu yimaado Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Kulankooda ayaa lagu soo bandhigay Xoojinta Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan, iyo sidii Sudan looga gacan siinaa Howlaha Nabadeenta ee Koofurta Sudan ee Heshiisyada laga gaaray.

Danjire Cismaan ayaa Dowladda Sudan ugu mahad celiyay Kaalmada Soomaaliya ay siiso sida Waxbarashada, taageerista Amniga, Dhaqaalaha iyo La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada Geeska Afrika.

Lama sheegin in Madaxweyne Al-Bashiir uu aqbalay Casumaadda ah in uu Soomaaliya yimaado, sidoo kale lama shaacin Waqtiga rasmiga ah ee la marti qaaday.

Sudan News Agency (SUNA) oo ah Wakaaladda Wararka u faafisa Dowladda Sudan ayaa laga soo xigtay Kulankaan dhexmaray Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi.

Dhanka Dowladda Sudan ayaa waxa ay ballanqaaday in Xoojin Doonto Xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya si sare loogu qaado Hormarka Xukuumadda ay ku tallaabsaneyso.

Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u dirto Wadanka Koofurta Sudan oo dhowaan Dowladda iyo Mucaaradka ay kala saxiixdeen Heshiisyo Nabadeed.

Xukuumadda Khartuum oo Koofurta Sudan ka go’day 2011-kii ayaa Kor joogto looga dhigay in ay la socoto dhaq-dhaqaaqa dhinacyada heshiiska gaaray ay sameynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com