Sawirro: Roobow oo ku jira wada-hadallo culus kadib go’aankii ka soo baxay DF

Baydhaba (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtara Roobow Cali Abu Mansuur oo shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynah maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta wada-hadallo xasaasi ah ku leh magaalada Baydhaba, saacado kadib markii dowladda ay ka hor-timid musharaxnimadiisa.

Roobow ayaa la kulmaya siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhaba, oo uu kala hadlayo musharaxnimadiisa iyo sida ay taageero u siin lahaayeen.

Roobow ayaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo go’aanka dowladda iyo sida ay u arkaan.

Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in wada-hadallo ay u socdaan dowladda federaalka iyo Roobow, oo aad ula yaabay go’aankii ay soo saartay wasaaradda amniga, waxaana la filayaa inuu war soo saaro kadib wada-hadalka dowladda oo uu ku raadinayo sharraxaad dheeri ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com