Fiqi oo MOWQIF aan laga fileyn ka muujiyey diidmada DF ee musharrax Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aankii go’aankii ay wasaaradda amniga Soomaaliya ku diiday in Mukhtaar Roobow uu isku sharxo madaxweynaha Koonfur Galbeed. Hoos ka aqriso qoraalkiisa.

WASAARADDA AMNIGA & ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

Waxaan aqriyey nuqul war saxaafadeed lagu sheegay in ay soo saartay wasaaradda Amniga Gudaha DFS sumaddiisu ahayd WAG/XW/542/18 taariikh 04 Oktoobar 18, kaasoo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka dawlad goboleedka Koofur Galbeed iyo Musharax ka mid ah kuwa u tartamaya xilka madaxweynaha.

Dadka i yaqaana waa og-yihiin mawaaqiftayda la xiriirta kooxaha argagixisada ah iyo hogaankooda ruux soo maray, uma doodayo mid ka mid ah oo marinkii uu lahaa sifo sharci ah lagu marsiiyey, balse waxaa si gaar ah ii soo jiitay hadalka iska hor-imaanaya ee wasaaradda Amniga ka soo baxey shalay.

Wasaaraddu waxey hal mar xustey kalimadda dastuurka, heshiiska hey’ado caalami ah lala galay 2 jeer, Cafis madaxweynuhu fidiyey iyo cunaqabateyn dhaqaale, xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah iyo xayiraadda Boliska caalamka.

Qodobka 1-aad: Mukhtaar Roobow, waxaan ognahay inuu uu deggan yahay xarunta NISA oo ah hey’addii amniga dalka u xilsaarnayd, wuxuu si xor ah ugu dhaqdhaqaaqaa dalka gudihiisa, wax maxkamad ah oo la saaray ama danbi lagu soo oogey asaga & kuwa kale ee ka tirsanaan jiray hogaanka kooxaha aragagixisada ee isa soo dhiibay ma jirin, waxaana warqadda wasaaradda lagu xusey in madaxweynaha cafiskii uu fidiyey lagu cafiyey.

Qodobka 2-aad: Wasaaraddu waxey sheegtay in hey’ado caalami ay heshiisyo la gashay shuruudana ay ku xirnaayeen in dhammaan laga wada qaado cunaqabatayntii dhinacyada kala duwan ka saarnayd Roobow, heshiisyadaas tixraacoodana musharaxnimadiisii wasaaradda amnigu uga joojisey, laakin waxaa la isweydiinayaa maxaa heshiisyadaas horey wasaaraddu ugu sheegi weyday oo ay ugu soo aadisay maalintii ninkaasi uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, xaqse ma u leedahay wasaaraddu in ay cid doorasho ka joojiso, goormaa shaqada wasaaradda amniga lagu daray arrimaha kala saaridda musharixiinta. Heshiisyada hey’adaha caalamiga ah wıasaaraddu ay la gashayna lama keenin Barlamaanka dawladda federaalka, waxeyna u muuqdaan kuwo meel mugdi ah lagu galay oo quwado ajnabi ah ay meerinayaan, aaway hadaladii madaxdu maalmo dhoweyd ay ku eedaynayeen dawladgoboleedyada ayagooku celcelinayey dhinac 3-aad oo ajnabi ah nama soo galo.

Qodobka 3-aad: kalimadda dastuurka meesha un baa lagu qurxiyey ee ma jirin qodob ay cuskadeen laakin bilkacsi qodobka 22-aad ee dfastuurka dalka ayaa xusaya “ka qeybgalka siyaasadda oo xaq u siinaya muwaadin kasta in la dooran karo asna uu wax dooran karo”, musharixiinta u tartamaysa kursi dawlad goboleed sharciga u yaalla ama u ogolaanaya ama ka reebaya xagee ka jiraa?

Isku soo duub, marka qof muwaadin ah tartan doorasho laga reebayo waa in loo Maraa wado sharci ah iyo hey’adaha ku shaqada leh, sida maxkamadaha dalka ama Guddiga doorashooyinka ee u xilsaaran shaqadaas, haddii wasaaradda amnigu ay cid gaar ah arrin ku heysato waa in sida hey’ad caadi ah oo kale ay u dacwootaa, laakin in kaalintii maxkamadaha dalka iyo guddiyada doorashooyinka ay qaadato wasaaradda amnigu ma ahan wax sharci ahaan la aqbali karo, waana arrin asaasi ah oo u baahan in hey’adaha iyo wasaaradahu ay si wanaagsan u fahmaan..

Sides awgeed, warqadda wasaaradda amnigu ay ka soo saartay arrinta musharaxa u tartamaya Doorashada Maamul goboleedka Koofur Galbeed uma arko in ay tahay mid sharciga waafaqasan, dariiqa kaliya oo u furan wasaaradda waxey tahay in ay Mukhtaar dacwad ku oogaan, go’aankana u daayaan hey’adaha garsoorka.

Dhanka kale, haddii hogaamiyaashii kooxaha argagixisada la doonayo in hawlahaan oo kale aysan ka qeyb qaadan waa in xukuumaddu soo gudbiso hindise sharciyeed, barlamaanka federaalka ahna uu waafaqaa.. wixii intaas ka soo hara waa kalaamu Layl iyo sharciga kaymaha.