Madaxda goboleedyada ku shirsan Nairobi oo wada mooshin ka dhan ah Waare

Nairobi (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo goor dhaw naga soo gaaray magaalada Natroobi ayaa sheegaya in Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ay Madaxweynayaashooda haatan ku suganyihiin Kenya ay go’aamiyeen sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Golaha Iskaashiga ayaa hawshan u xilsaaray inuu geed fadhi u noqdo Cabdi Cali Raage oo ah xoghayaha Golaha, waxaana gadaal ka riixaya Ganacsato reer Hirshabelle ah iyo xubno ka tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo kasoo jeeda gobolka si loo wiiqo taageerada uu Waare u fidiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirarka Nayroobi ka socda oo dhawr waji ah ayaa saameyn taban ku leh geeddi socodka siyaasadda maamulka Hirshabelle. Sidoo kale, waxaa lagu dhammeeyay in Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo rabay inuu galo tartanka Puntland uu ka tanaasulo.

Masuuliyiin ka socda dalka Imaaraadka ayaa iyagana soo gaaray Kenya si ay ugala xaajoodaan Dowlad Goboleeyada sidii loo badbaadin lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, loona dhawri lahaa midnimada Golaha Iskaahshiga.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo warsaxaafadeedkiisii u dambeeyay aan marnaba kusoo hadal qaadin xaaladda ka taagan Hirshabelle ayaa difaacay mawqifka Madaxweyne Xaaf ee ku aaddan khilaafka ka jira Galmudug. Lama oga in ka gaabsigaas uu salka ku hayay abaabulka qorsheysan ee ay hadda ku ridayaan Madaxweyne Waare oo ka xarig furtay.

Dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Nairobi, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Galabta Gaaray halkaas oo ay kaga sii horeeyeen Madaxweynaha Puntland, Koonfur Galbed iyo Jubbaland.

Wixii faahfaahin ah halkan kala soco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com