Sawirro: Mooshin ka dhan ah hogaamiye Waare oo ugu danbeyn caawa la aqbalay

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Caawa aqbalay Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isla caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha maamulka oo ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Waxa uu Gudoomiye Cismaan sheegay in Xildhibaanada Mooshinka gudbin karta isla markaana uu Dastuurka qabo ay tahay 33, balse iminka ay ku saxiixan yihiin 57-Xildhibaan.

Waxa uu sheegay in uu aqbalay ka gudoon ahaan Mooshinkaas, maalmaha soo socdane la guda geli doono, si dhinac loogu rido Mooshinka.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Hogaamiye Waare ayaa ku eedeeyay inuu cuuryaamiyay hormarka Deegaanada Hir-Shabeelle sida ay hadalka u dhigeen.

Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare kama hadlin Mooshin, waxaana Muddooyinkaan socday Guux siyaasadeed la xiriira Mooshinkaan.