QM oo war kasoo saartay dilka shaqaalahooda Xamar

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay Hay’adda QM ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmaan shaqaalaha gargaarka ee ka jooga Somalia.

QM ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay la kulmaan weerarro kala duwan oo qaarkood lagu waxyeeleeyo xili ay ku guda jiraan shaqooyinkooda.

Waxa ay QM sheegtay in weeraro dhacay lagu dilay 8 ruux halka lagu dhaawacay 12 kale intii u dhexeeysay January iyo September ee Sanadkan.

Qoraal si gaara uga soo baxay Xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka ayaa waxaa lagu sheegay in 90 dhacdo oo rabshado ah ay saameeyeen Hay’adaha Bani’aadanimadda, taasi oo keentay in la Afduubto 18 ruux si ku meelgar ahna loo xiro 13 kale.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “ Khasaaraha ka yimid Weeraradda argagixisadda ee meelaha Dadku ku badanyihiin ee Muqdisho ayaa ku jira Tiradda ugu badan ee Dhimashadda iyo dhaawaca iyo sidoo kale bururka agabka gargaarka”

Hay’adda OCHA ayaa cambaaareeysay Weeraradda saameeynaya howlaha Hay’addaha Bani’aadanimadda ee Somalia, waxayna Hay’addu sheegtay in rabshadaha bani’aadanimaddu kordheen.

Sidoo kale, waxaa qoraalada Hay’adda QM lagu sheegay in iyadoo ay dhacayaan dhibaatooyin ceynkaasi ah ay hadana diyaar u yihiin inay gurmad rasmi ah ka geystaan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ee Somalia.

QM waxay sheegtay Colaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya ay hor istaageen gargaar badan oo halkaas lageeyn lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka QM ayaa kusoo beegmaya xili labadii bilood ee lasoo dhaafay ay Hay’adaha Bani’aadanimaddu joojiyeen Howlihii gargaar ee ay ka wadeen Shabaleeha Hoose, taasi oo sameysay 34,000 oo ruux, sida ay sheegtay QM

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com