Fannaanad caan ah oo ku geeriyootay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inay geeriyootay AUN Fannaanadda caanka ah Shamsa Xuseen Shumey.

Fannaanada Shamsa Shumey ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay habbeenimadii xalay kadib markii waayadan ay xanuunsaneyd.

Fannaanada Shamsa Shumey ayaa inta ay nooleed ka mid aheyd Fanniinta Hobolada Waabari, waxaana ay qaaday Hees Isugu jira Wadani iyo kuwo Jaceyl intuba.

Fannaaniin ka tirsan Hoboladda Waabari ayaa xaqiijiyay in bilihii lasoo dhaafay ay heysatay Fannaanada Xaalad Caafimad daro oo ugu dambeyntii sababtay geerida.

Sidoo kale, Shamsa Shumey ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah lagu aaso magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgali doona Fannaaniin iyo shacab.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay inta badan fannaaniinta qurba joogta ahaa kadib isbedelo dhanka amni oo ka dhacay dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com