DF ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu sugi doono amniga Muqdisho (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisa ay lasoo bixi doonto barnaamijka isla xisaabtanka Hay’adaha amniga.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in xiligan wixii ka dambeeya ay si dhaba ula xisaabtami doonaan Madaxda Hay’adaha amaanka, waxa uuna tilmaamay in la xisaabtankooda uu ku ekaan doono howlaha amniga.

Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doono amniga Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa uuna meesha ka saaray in dib loo dhageys doono qeyladhaan kaga imaada dhanka Siyaasiyiinta ee ku aadan arrimaha amaanka.

Wuxuu tilmaamay Wasiir Ducaale in qorshaha amni ee lagu hormarin doono Caasimada ay si wada jira uga wadahadli doonaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku shaqo leh Gobolka la sugaayo amnigiisa.

“Wasaaradu waxa ay go’aansatay inay la imaado isla xisaabtan dhab ah, cidna ugama aaba yeeli doono wixii amniga khuseeya waxaana dhici doona isbedel amni oo dhab ah”

Sidoo kale, Wasiir Ducaale, waxa uu intaa raaciyay inay dardar gelin doonaan sugida amniga Muqdisho una shaqeyn doonaan si lamid ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Ducaale ayaa hadalkaan ka sheegay kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Magalada Muqdisho waxa uuna digniin u kala diray Hay’adaha amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com