Donald Trump oo mar kale bah-dilay Sacuudiga iyo IRAN oo gacan u fidisay.!!

Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay bah-dilaad culus ku sameeyey boqorka dalka Sacuudiga, laba maalin ku kadib markii uu sharafta ka qaaday ee uu yiri “Mareykanka la’aantiisa xukunka ma aadan haysateen xitaa laba toddobaad”.

Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah.

“Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in kadib wada-hadalkiisa boqor Salman, ay boqortooyada Sacuudiga ogolaatay inay lacagta kodhiso.

Ayada oo ka jawaabeysa bah-dilaadda joogtada ah ee uu Trump ku hayo, ayaa Iran waxay qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo ay gacan ugu fidineyso Sacuudiga

“Madaxweyne Trump wuxuu si joogto ah u bah-dilayaa reer Sacuud, isaga oo leh, la’aanta taageeradiisa laba tododbaad xukunka ma joogi karaan. Tani waa abaal-marinta dhallanteedka ah in qof amnigiisa uu sugi karo qof kale” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaan mar kale gacan u fidineynaa deriskeena, aan dhisno gobol xooggan, oon joojinno isla-weynida”.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com