CC Shakuur oo shaaciyey ‘sirta ka dambeysa’ guddiga uu MURSAL magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guddiga doorashada ee uu maanta magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaa su’aal ka keenay sababta guddiga arimaha gudaha hawshiisa looga weeciyey.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay ka dhigan tahay talloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey golaha shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu shaaciyey in marnaba aan laga aqbaleyn madaxda Villa Soomaaliya muddo kororsi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta guddoomiye Mursal ku dhawaaqay guddi KMG ah oo ka kooban 15 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka.

Guddigan ayaa shaqeyn doono hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray Guddi Ku- meelgaarka ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka. Qodobka 45aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu si cad u qeexayaa shaqada Guddiyada Golaha. Wuxuu cadaynayaa in hindise sharciyeedyada loo gudbiyo Guddiyada Golaha ee u xilsaaran. Sidoo kale ayuu Qodobka 67 ee xeer hoosaadka Goluhu dhigayaa in Guddiga Arrimaha Gudaha uu u xilsaaran yahay dib u eegista hindise sharciyeedka doorashooyinka oo ay soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Gudaha

Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa Guddiga Arrimaha Gudaha Hawshiisa looga weeciyey? Ma waxaa laga cabsaday xubnaha firfircoon ee intooda badan qolada N&N ka aragtida duwan? Haddiise laga weeciyey maxaa xubnaha Gudiga KMG hal dhinac looga raray?. Tani waxay ka dhigan tahay taloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey Golaha Shacabka oo horay hawlgab u ahaa. Si walba oo la isugu dayo ama wada kasta oo loo maraba, waxaan marna madaxda Villa Somalia laga aqbalaynin muddo kordhin, mana aha in ay waqti isaga lumiyaan.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com